Maxaa ka socda degmada afgooye oo eydaan ogeyn

0
63

Wararka aynu ka heleyno degmada afgooye ee gobolka shabelaha hoose ayaa shegaya in halkaasi ay ka sodaan is afgaran waa u dhexeya gudoomiyaha cusub ee degmada afgooye iyo shaqsiyaadka gacanta ku haya waaxda canshuurada ee dowlada hoose.

Gudoomiyaha cusub ee degmada ayaa la sheegayaa in aysan wax wada shaqeyn ah ka dhexey asaga iyo xoghayaha cusub ee loo magacaabay degmada afgooye oo ay isku reer yihiin masuulka waaxda canshuuraha ee demada .

Degmada afgooye ayaa waxaa yaala in ka badan 7 isbooro oo ay lacagta ku gurtaan kooxda isbaarooleyda ah ee ka tirsan maamulka degmada afgooye lacagahaas oo aan weligeed waxba loogu qaban shacabka ku nool degmada afgooye.

Degmada afgooye ayaa ah degmada ugu isbaarada badan guud ahaan dalka waxaana kasoo xarooda dhaqaale aad u badan dhaaalahaasi oo ay kala qeybsan jireen kooxda isbaarooleyda iyo maamulkii koonfur galbeed e uu hogamiyaha ka ahaa Shariif xasan iyo weliba masuuliyiin ka tirsan maamulka gobolka.

Si kastaba arintu ha ahaatee qaabka uu sameysan yahay maalmulka degmada ayaan ahayn qaab maamulkaasi uu wax ugu qaban karo dadka ay masuulka ka yihiin maadaama gudoomiyaha uusan awood meesha ku laheyn.

Maamulka degmada marka aad eegto qaabka uu sameysan yahay waxaa kuusoo baxay dhamaan mauuliyiinta garbaha ka taagan gudoomiyaha degmada in aysan eheyn dad diyaar u ah iney u istaagaan samatabixinta degmada maadaama dhamaantood ay kasoo jeedaan deegano kale.