Madaxweyniii Hore ee Somaliya oo Ka Digay in Doorashda Waqtigeeda ku Dhici Weydo

0
41

Madaxweynihii hore ee Dowladda Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud oo la hadley warbaahinta ayaa shaki badan galiyay doorasho waqtigeeda ku dhici karta, isaga oo ka digaya muddo korarsi aan la ogeyn sababta kalifi karta.

Wuxuu sheegay in muddo korarsi hay’adaha dowladda qaarkood in ay ka hor imaanayso Dastuurka dalka, isaga oo intaa ku daray in uusan garanayn dhibaatooyinka keenaya dib u dhacaas iyada oo doorasho ay ka dhacday dalka iyada oo dalka ay ka socdeen dagaalo.

Xassan Sheekh ayaa intaa ku daray in iyada oo baarlamaanka Soomaaliya ay ka doodayaan Sharciga doorashooyinka in hadana dadka aqoonta u leh odoroska siyaasadda in ay sheegayaan doorashadu in aysan waqtigeeda ku dhici karin.

Gabagabadii ayuu ugu baaqay madaxda hadda joota in ay ilaaliyaan dhaqanka dimiqraadiga ah ee curdanka ah ee dalkeenna.