Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Dowlada Federaalka Soomaaliya Axmed Ciise Cawad, ayaa kula kulmay magalada Muqdisho Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya James Swan.
Kulanka ayaa waxaa ay uga wada hadleen xaaladaha siyaasadda, ammaanka iyo bani’aadannimada ee dalka iyo howlaha qaran ee waajib ay tahay in la fuliyo inta lagu gudajiro xilliga nagu soo fool leh.
Soomaaliya waxa ay taageereysaa dadaallada Qaramada Midoobey ee heer kastaba leh ee siyaasadeed , nabadgelyo iyo bani’aadannimo ee dalka iyo in sahay la siinayo ciidamada qaranka iyo kuwa amniga ee qeybaha kala duwan leh si loo kobciyo nabadda iyo xasiloonida.