Wasiirka Arimaha Gudaha Maamulka Hirshabele oo Ka Hadley Xiisada Ka Taagan Magalada Buula-Burde

0
88

Wasiirka Arrimaha Gudaha Maamulka Hirshabeelle Maxamed Cali Caadle ayaa sheegay in uu aad uga xun yahay wixii ka dhacay Buulo-Burde ee ahaa banaanbaxa rabshadaha watay ee sababay dhimasha halka ruux iyo dhaawaca labada kale.

Waxaa kaloo hadalkiisa uu intaasi ku daray in maalmaha soo socda ay tegi doonaan magalada Buulo-Burde si ay uga qeyb qaataan xalinta xiisada ka dhalatay maamulka cusub ay u Magacaabeen degmadaas.

Qeybaha kala duwan ee Bulshada degmada buulo-Burde iyo Odayaasha Dhaqanka ayaa waxaa ay kasoo horjeesteen Maamulka Cusub ee uu Wasiirka u Magacaabey degmadaas iyo socdaal lasheegay in uu ku tegayo.

Sidoo kale Wasiir Caadle ayaa ugu baaqay dadka ku nool magalada Buulo-Burde in ay ka shaqeyaan nabadgelyada Magaalada si xal waaro looga gaaro arimaha ka jira degmada Buulo-Burde.