Xasan Daahir Aweys oo ka hadley xiriirka kala dhexeyo dowlada

0
57

Xasan Daahir Aweys oo muuqaal cusub soo duubay ayaa ka hadlay xiriirka ka dhaxeeya isaga iyo dowladda Soomaaliya, oo uu u xiran yahay.

Xasan Daahir Aweys waxa uu beeniyey inay dowladda Soomaaliya adeegsato, kadib markii mucaaradka iyo dad kale ay sheegeen in loo isticmaalayo in lagu weeraro dadka siyaasad ahaan ay iska soo horjeedaan dowladda.

Xasan Daahir Aweys ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay siisay qalabka iyo internet-ka uu wax kusoo duubay balse loo sheegay inuusan ka hadlin siyaasadda.

Waxa uu shaaca ka qaaday in waxyaabo badan oo aysan haysan dadka kale ee u xiran dowladda isaga loo ogolaaday, sida inuu la kulmo qoyskiisa, taasi oo uu uga mahad-celiyey dowladda. “Xitaa caruur ayaa iigu dhalatay aniga oo maxbuus ah” ayuu yiri.

Waxa uu muujiyey in cadaadis xooggan oo beesha uu kasoo jeedo uga yimid dowladda, ay qasabtay in waxyaabo badan isaga loogu ogolaadayo.

Xasan Daahir ayaa dhanka kale ku adkeystay inuusan waligiis laaluush iyo lacag xaaraan ah qofka ka qaadan, islamarkaana maanta aysan jirin wax uu haysto oo dhaqaale ahaan uu liito.