Guddoomiyaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xaanshi Cabdullaahi ayaa maanta magalada muqdisho kula kulmay Wakiilka Qaramada Midoobey ee Arrimaha Soomaaliya James Swan.
Labadan masuul ayaa kulankaasi ku wehliyey ka socday safiirada Mareykanka, Ingiriiska iyo Midowga Yurub, waxaana kulanka ay uga wadahadleen sidii ay ku dhici laheyd doorasho loo dhan yahay oo qof iyo cod ah.
Xubnaha Wakiilada Caalamka ayaa ku baaqay in saamileyda siyaasadda Soomaaliya looga baahan yahay in ay sameystaan Siyaasad deggan, islamarkaana ka wada tashadaan sidii ay ku dhici laheyd doorasho loo dhan yahay.
Guddoomiyaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xaanshi Cabdullaahi ayaa xubnaha Beesha caalamka u sheegay in Baarlamaanka Soomaaliya uu ku howlan yahay dhameystirka iyo ansixinta Sharciga doorashooyinka oo ay Baarlamaanka u soo gudbisay wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya.