Golaha shacabka ayaa ka furmay kulan gaar ahaa oo suaalo lagu weydiinayey Wasiirka Amniga Maxamed Abuur Isloow Ducaale iyo Wasiirka Gaadiidka & Duulista Hawada Maxamed Cabdullaahi Salaad(Oomaar), waxaa sidoo kale kulanka ku sugan Taliyaha Ciidanka Booliska Xasan Maxamed Xijaar.
Kulankani oo uu shir guddoominayo Guddoomiye ku xigeenka koobaad ee Golaha Shacabka Cabduweli Ibraahim Sheekh Muudey,waxaana Goob joog ka ah oo soo xaadiray 120 xildhubaan.
Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa Wasiirada waxaa ay wax ka weeydiin doonaan xaalada dalka gaar ahaan dhacdooyinkii ugu dambeeyey ee Xayiraadii Madaxweynayaashii hore iyo qodobo kale oo quseeya Shaqadooda.
Si kastaba arintu ha ahaatee kulamada ay xildhibaanada inata badan suaalaha ku weydiiyaan golaha wasiirada iyo weliba reysulwasaarahadooda ayaa ku dhamaadaan natiijo la,aan dhowr mar oo hore ayaa waxaa sidan oo kale u hortegey golaha baarlamaan wasiirka maaliyada iyo weliba wasiiro kale mana jirto wax faaiido ah oo kasoo baxay kulamadaas.