Xildhibaanada Baarlamaanka oo maanta ka hadlaya sharciga doorashooyinka qaranka

0
39

Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Maanta oo talaado ah waxaa ay Xaruntooda Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho ku yeelanayaan kulan xasaasi ah.

Xildhibaannada Golaha Shacabka oo todobaadkaan uu u yahay mid Shaqo ayaa Maanta waxaa ay markale dood xasaasi ah ka yeelan doonaan Sharciga doorashooyinka oo ay horay dood kulul uga yeesheen.

Guddiga KMG ah ee sharciga doorashooyinka ayaa sharcigaan u gudbiyey Golaha Shacabka,kadib markii wadatashiyo ay kala soo sameeyeen Dowlad Goboleedyada ka jira dalka.

Kulanka Maanta ayaa waxaa uu yahay Akhrinta 2aad ee HIndise Sharciyeedka Doorashooyinka Qaranka, waxaana xusid mudan in Sharciga doorashooyinka qodobada qaar ay isku khilaafsan yihiin Xildhibaannada Golaha Shacabka.