Ciidamada Boliiska oo Ka Hadlay Qasaarihii Ka Dhashay Weerarkii Hotel SYL

0
78

Taliska Ciidanka booliska Soomaaliyeed ayaa shaaciyey in gebi ahaan lasoo afharaey weerarkii xalay Xubno ka tirsan ururka Al-Shabaab ku qaadeen Hotelka SYL oo ku yaalla meel u dhow Madaxtooyada Soomaaliya.

Qoraal kasoo baxay Taliska CiidankaBooliska Soomaaliyeed ayaa waxaa lagu sheegay in 5 Xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab ay weerarka soo qaadeen, isla markaana laba kamid ah banaanka hotelka lagu toogtay Saddex kalena ay galeen Gudaha Hotelka.

Sidoo kale Booliska waxaa ay sheegeen in khasaaraha ka dhashay weerarkaas uu yahay, dhimashada Shan ruux oo kala ah laba kamidah askarta Dowladda iyo Saddex Ruux oo Shacab ah.