Golaha Baarlamaanka oo Maanta Mar kale ka doodaya sharciga doorashooyinka

0
39

Waxaa Goor dhoweyd Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ka furmay kulankii 21_aad Kal-fadhiga Lixaad.

Kulanka waxaa Shir Guddominaya Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxman Iyo Guddomiye Ku Xigeenka Kowaad ee Golaha Cabduweli Sheekh Ibraahim Muudey

Ajendaha Kulanka ayaa ah sii wadida Akhrinta 2aad ee Sharciga Doorashooyinka Qaranka Oo tobaadkaan ay weli sii Socoto Doodiisa.

Ka hor dooda Inta aysan bilaaban ayaa Guddoonka Golaha Shacabka waxay ka tacsiyadeen Dadkii Dhibaatada kasoo gaartay weerarkii ka Dhacay Hoteellka SYL ee Magaalada Muqdisho.