Maamul Goboleedka Hirshabeelle ayaa soo saaray qoraal ka kooban Lix qodob kasoo la xiriira mowqifkooda ku aadan doorashooyinka la filayo inay dalka ka dhacaan Sanadka 2020/21.
Qoraalka ka soo baxay madaxtooyada maamulka Hirshabeelle ayaa lagu cadeeyey in aan la aqbaleyn muddo kororsi, sidoo kalena doorashada ay dhamaan ka wada qeyb qaataan bulshada Soomaaliyeed.