Alshabaab oo weerar kusoo qaaday bar koontrool oo ay ciidamada dowlada ku lahaayeen degmada balcad

0
75

Wararka inaga soo gaaraya degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in saakay xoogag ka tirsan Ururka Al-shabaab weerar culus ku qaadeen bar kootarool oo ku taala degmada.

Goob joogayaal ayaa warbaahinta u sheegay in subaxnimadii hore ee saakay xoogagga Al-shabaab weerar culus ku soo qaadeen bar kootarool oo galbeedka ka xigta degmada, halkaa oo ay ku dileen Saddex Askari oo ka tirsanaa ciidamada dowladda iyo Qof Shacab ah.

Ciidamada weerarka lagu qaaday ayaa lagu waramayaa in ay dhawaan soo degeen kootarool, mana jiro ilaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay dhinaca maamulka degmada Balcad.

Weerarada alshabab ay ka geysaan deegaanaan ayaan aeyn kuwo cusub Dhawaan ayey aheyd markii Al-shabaab Askar ku dileen xerada Hiilweyne ee degmada Balcad halkaa oo ay ku dileen Askar iyo Labo Gabdhood oo ka mid ahaa dadka deegaanka.