Axmed Madoobe oo maanta magalada kismaanyokula kulmay wakiilka qaramada midoobe ee somaliya

0
69

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta Aqalka Martida ee Magaalada Kismaayo ku qaabilay wakiilka gaarka ah ee Xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan Xubno kasocday Midowga Yurub Midowga Afrika iyo Urur Goboleedka IGAD.

Kulanka ayaa labada dhinac ka wada hadleen Arimaha Doorashooyinka 2020 Khilaafka Dowlada Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah iyo cafinta daynta lagu leeyahay Soomaaliya Dhamaystira Dastuurka iyo qodobo kale.

Madaxweynaha isagoo ka hadlayay dhamaystirka Dastuurka wuxuu sheegay in ay Dowlada Federaalku ka gaabisay in la dhamaystiro taas oo ay ka dhasheen khilaafyo ay ahayd in lagu dhex xaliyo dastuurka isla markana qaabka hada ay u socoto ayna ahayn sidii loo baahna iyadoo aan laga qaybgalin xubnahii Dowlad Goboleedyadu ay xaqa u lahayeen.

Arimaha Doorashooyinka 2020 ayuu Madaxweynahu sheegay in ay muhiim tahay in si wadajir ah looga shaqeeyo oo cid gaar ah aanay danaheeda ka dhex raadin si gaar ahna Madaxweynahu wuxuu xusay in Doorasho qof iyo cod ah aanay dalka ka dhici karin iyadoo aan la samayn tiro koob sax ah Dhamaystirka Dastuurka Arimaha amaanka iyo wada hadalada Soomaaliland.

Khilaafka Dowlada Federaalka ah iyo Dowladaha xubnaha ka ah ayuu Madaxweynahu sheegay in ay tahay caqabad weyn iyadoo wali Dowlada Federaalka ah ay wado faragalinta ay ku hayso Dowlad Goboleedyada dalka taas oo ay hada taagan tahay faragalinta qaawan ay ay ku hayso qaybo kamid ah Jubbaland gaar ahaan Gobolka Gedo.

Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay James Swan ayaa dhankiisa ku amaanay Madaxweynaha iyo Maamulka Jubbaland sida nabadgalyada leh ee ay wax u socdaan isagoo sheegay in ay tahay wax lagu faano in wixii ka danbeeyay Doorashadii Madaxweynaha sida ayna u dhicin waxyaabo nabadgalyada wiiqi karay waxaa kale oo uu Wakiilku sheegay in Jubbaland ay kasoo baxday waxyaabahii looga baahna ee ay kaga qayb qadanayeen dayn cafinta Soomaaliya.