Maaintii Isniinta Waxaa gurigiisa oo ku yaala magalada muqdisho lagala baxay Yuusuf Xasan Mursal oo ahaa guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee amniga iyo cadaaladda.
Ciidamada dowlada ayaa Yusuf kaxeystey iyaga oo aan wadan warqad qabasho ah, waa la afduubay, gurigiisa ayaana laga waday, waa arrin sharci darro ah” sidaasi waxaa sheegay Dr. Maxamed Ibraahim Bilaal oo ah Xogheyaha arrimha gudaha iyo xiriirka gobol ee xisbiga.
Qoraal ka soo baxay xisbiga amniga iyo cadaaladda oo la soo gaarsiiyey warbaahinta waxaa lagu sheegay in madaxii xisbiga ay afduubteen NISA, kana dambeeyaan Saadaq John, ra’isul wasaare Xasan Kheyre iyo madaxweyne Farmaajo.
Waxaa xusid mudan in Mukhtaar Roobow oo ah hoogaamiyaha ay xisbiga ay dowladda Soomaaliya soo xirtay 15-kii December 2018 iyaga oo Baydhabo ku dilay 15 taageerayaashiisa ah.
Si kastaba arintu ha ahaatee afduubka lagu hayo siyaasiyiinta iyo shacabka kasoo jeeda koonfur galbeed ayaan ahan mid sahlan inta badan dadkuna waxaa ay sheegaan iney sabab u tahay isku xirnaan la,aanta siyaasiyiinta iyo shacabka koonfur galbeed.