Mareykanka oo duqeyn ka geystey deegaano ka tirsan gobolka jubada dhexe

0
49

War ka soo baxay Taliska Ciidamada Maraykanka ee qaarada Afrika ee AFRICOM ayaa lagu faah faahiyey duqeyn dhinaca cirka ah oo uu Mareykanka ka fuliyey degmo ka tirsan Gobolka Jubbada Dhexe.

Warkan ka soo baxay AFRICOM ayaa lagu sheegay in Ciidamada Mareykanka ay shalay duqeyn dhinaca cirka ah ka fuliyeen deegaanka Dajumma oo qiyaastii 6 Km u jirta magaalada Bu’aale ee Gobalka Jubbada Dhexe, isla markaana ay la beegsadeen xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Mareykankaa ayaa sheegay in ay duqeyntan ku dileen xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab,sidoo kalena ay ku taageerayeen ciidamada Dowladda Soomaaliya ee dagaalka kula jira Ururka Al-Shabaab, sida uu sheegay ku-xigeenka Madaxa howlgallada Ciidamada Mareykanka ee Africa Gen. Bradford J. Gering.

Warkan ka soo baxay AFRICOM ayaa sidoo kale lagu sheegay in bilihii u dambeeyey Mareykanka uu horumar ka gaarey dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab,isla markaan ay awoodi waayeen inay weeraro fuliyaan.