Aqalka Kongreska ee dalka Mareykanka ayaa isku raacay xalay saqdii dhexe in Soomaaliya laga dhaafay lagana cafiyay lacagihii deymaha ee uu Mareykanku ku lahaa
Ilhaan ayaa sheegtay in tallaabadan uu Mareykanku qaaday ee deyn cafinta ay tahay mid hormar iyo barwaaqo u horseedi doonta Soomaaliya, ayna rajeyneyso in laga wada shaqeeyo Soomaaliya nabdoon oo dimuqraadi ah.
Lama oga tirada iyo cadadka lacagta deynta ee Mareykanku ka cafiyay Soomaaliya balse dhinaca kale tallaabadan ayaa u muuqata guul u soo hooyatay Dowladda Soomaaliya.
Tallaabadan uu qaaday Mareykanka ayaa sidoo kale loo arkaa in ay horseedi doonta in dalal kale oo badanna ay cafiyana lacagihii deymaha ee ay ku lahaayeen Soomaaliya.