Barqanimadii Maanta ayaa rag hubeysan oo katirsan Ururka Al-Shabaab waxaa ay weerar ku qaadeen Bar Koontorool oo Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Soomalaiya ku leeyihiin degmada afgooye.
Goobjoogayaal halkaasi ku sugnaa ayaa sheegay in uu halkaasi ka dhacay dagaal mudo socday oo dhex-marey Ciidamada Milatteria oo Koontoroolka ku sugan iyo Al-Shabaab.
Wararka ayaa waxaa ay sheegayaan in dagaalkaas ay ku geeriyootay Haweeney kamid aheyd Shacabka Afgooye halka laba qof oo kale ay ku dhaawacmeen, kuwaas oo haatan lagu daweynaayo Isbitaalka degmada Afgooye.
Saraakiil katirsan Ciidamada Dowladda ayaa waxaa ay sheegeen inay iska difaaceen weerarkii kaga yimid dhinaca Al-Shabaab, waxaana wararkii ugu dambeeyey ay sheegayaan in xaalada ay tahay mid degan.
Dhanka kale alshabab ayaan weli ka hadlin weerarkii ay xalay kusoo qaadeen bartaas koontrool mana aha markii ugu horeysay ee ay alshabab soo weeraraan baraha koontarool ee ay ku sugan yihiin ciidamada dowlada ee ku sugan degmda afgooye.