War ay soo saartay Agaaismaha maamulka IMF, Kristalina Georgieva ayeey ku bogaadisay habka deyn cafinta Soomaaliya iyo sida uu ku socdo.
Agaasimaha ayaa war-saxaafadeedka soo saartay markii ay ansixisiyeen Guddiga fulinta hay’adda Lacagta Adduunka IMF ee xirmada maaliyadeed ee Soomaaliya.
Agaasimaha ayaa sheegtay in ay tani muujineyso muhiimadda ah in Soomaaliya laga caawiyo in ay tallaabbo u qaaddo kusoo noqoshada hannaanka caadiga ah ee xiriirka dhaqaalaha Caalamiga iyo horumar laga sameeyo deyn dhaafka, iyadoo loo marayo hal abuurka deyn cafinta Waddamada faqriga ah (HIPC).
Kristalina Georgieva, ayaa sheegtay in barta go’aan qaadashada hal-abuurka deyn cafiska Waddamada faqriga ah uu billaabanayo qorshihiisa sida ugu dhaqsiyaha badan marka ay xubnaha bixiyaan waxyaabaha lagama maarmaanka u ah deyn cafinta.
Waxanay sheegtay in ay filayso in mas’uuliyiinta Soomaaliya ay sii wadaan habaynta dhaqaalaha, taas oo caawin karta furista Il-dhaqaale oo uu Dalku ku gaaro horumar ballaaran iyo in la yareeyo sabool-nimada.