Gudiga gargaarka baladweyne ee Somaliland oo maanta gaaray magalada muqdisho

0
72

Wefdi uu hogaaminayo gudoomiyaha rugta ganacsiga Somaliland Jamaal Caydiid Ibraahim ayaa maanta lacag qaaraan ah oo loogu deeqay dadkii daadadku ku soo rogmadeen magaalada Baladweyne u qaaday magaalada Muqdisho.

Wefdigan ayaa sida lacag dhan lix boqol oo kun oo dollar, kuwaasi oo ku wareejin doonna guddida taakulaynta dadka daadadku ku soo rogmadeen ee magaaladda Baladweyne.

Jamaal Caydiid ayaa sheegay inay tahay markii labaad ee baladweyne u gurmadeen, waxaanu xusay in kolba cidii dhibaato ku timaado loo gurmado oo iyaguna hore inoogu soo gurmadeen.

Sidoo kale, waxa uu sheegay in lacag hore oo degdeg ahayd markii masiibadu dhacday ka horeysay.