Dowladda Uganda ayaa shaaca ka qaaday in ay taliye cusub u soo magacowday ciidamadeeda ku sugan Soomaaliya ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM.
Richard Otto ayaa loo soo magacaabay Ciidamada Uganda ee joogga Soomaaliya waxaana markan uu xilkiisa yahay Taliyaha guud ee Ciidanka Uganda ka jooga Soomaaliya.
Taliyaha cusub oo durba xilka la wareegay ayaa u mahadceliyay Taliyayaasha kaga horreeyay howlgalka AMISOM iyo Madaxda Ciidanka Difaaca Uganda ee isaga u magacaabay.
6,000, oo Askari ayaa Uganda ka joogta Soomaaliya,waxaana ay isu beddelaan sanad ,iyada oo Guutadii sanad joogtaba lagu beddelo mid kale oo iyana sanad kale shaqeyneysa.