Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya Ben Fender.
Gudoomiyaha iyo safiirka ayaa ka wada hadlay heerka uu maraayo u diyaar garowga doorashada la filayo in ay dalka ka dhacdo,maadaamaa Midowga Yurub uu aad u taageero Soomaaliya oo ay Dowladda Ingiriiskana xubin ka tahay midowga Yurub.
Safiirka ayaa sheegay in dowladda Britain ay diyaar u tahay in Dowladda Soomaaliya ay ka taageerto dhinaca doorashada.
Gudoomiye Maxamed Mursal ayaa dhankiisa uga mahad celiyey dowlada britan howlaha ay ka geysato dalka somaliya iyo taageerada ay mar walba la garab taagan tahay shacabka somaliyeed.