Madaxweynaha Maamul Goboleedka Galmudug Axmed Ducaalle Gelle Xaaf ayaa ka tacsiyeey Dadkii ay waxyeeladu kasoo gaartay Qarax habeenkii xalay ka dhacday Magaalada Gaalkacyo.
Qaraxa ayaa ahaa mid lala eegtay Saraakiisha Ciidamada Xooga Dalka iyo kuwa qeybta 21aad oo ku sugnaa goobta ay musiibadu ka dhacday
Waxa uu Madaxweynuhu Tacsi u diray Ciidamada Amniga iyo dadkii shacabka ahaa ee dhaawaca iyo dhimashadu kasoo gaartay Qaraxa caawa ka dhacay Magaalada Gaalkacyo.
Qaraxa oo loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay Waxyaabaha Qarxa ayaa lagu weeraray Hoteel uu daganaa Taliyaha Ciidanka dhulka Sareeyo Guuto Cabdixamiid Maxamed Dirir iyo Taliyaha ciidanka qeybta 21 aad Cabdicasiis Qooje.