Taliyaha ciiddanka lugta dowladda federalka Soomaaliya, sareeye guuto Cabdixamiid Maxamed Dirir, ayaa ka hadlay weerar ismiidaamin ah oo xalay lagu weeraray isaga iyo saraakiil kale.
Taliyaha ayaa sheegay in habo yaraatee aanu jirin wax khasaare oo isaga iyo saraakiishiisa kasoo gaaray weerarkaas, balse qaar kamid ah ciiddamadiisa ay ku dhaawacmeen.
Taliyuhu wuxuu tilmaamay gaariga qaraxa ku xirnaa in lagu dhuftay gaariga uu la socday, taasoo keentay in 6 kamid ah ciidamadii istaafkiisa ahaa ay ku dhaawacmaan.
Waxa uu sheegay si kastoo oo Alshabaab iskugu dayaan inay soo weeraraan aynan hakindoonin shaqada uu qaranka u hayo, waxaa kale oo sheegay inay ka xunyihiin dhibaatadii shacabka gaartay.