Hoggaanka sare ee Ahlu Sunna Waljameeca ayaa Warbaahinta u soo bandhigay magacyada 20ka xildhibaan ee uga mid noqonaya Baarlamaanka cusub ee Galmudug.
Dowladda ayaa u ogolaatay Ahlu Sunna in Baarlamaanka cusub laga siiyo tiro dhan 20 xubnood oo ay soo xulanayaan hoggaanka sare kadib caqabad muddo dheerba ka jirtay dhismaha maamulka Galmudg.