Qoraal kasoo baxay Bangiga Dhexe ee Soomaaliya ayaa waxaa lagu amray Shirkadaha sida gaarka ah loo leeyahay inay xiraan dhamaan Accounada shirkadaha ku shaqeysta Sarrifka Internetka ee FOREX ay ku leedahay Shirkadahaas.
Qoraalka oo uu ku saxiixan tahay guddoomiye kuxigeenka Bangiga Dhexe Maryan Cabdullaahi Yuusuf ayaa lagu amray inay Shirkadaha gaarka loo leeyahay fuliyaan Amarkaas, sidoo kalena soo gudbiyaan Cadadka lacagaha ku jira Accounada FOREX.