Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa xafiiskiisa ku kulmay safiirka dalka Turkiga Mehmet Yilmaz.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa uga mahad celiyey dowlada Turkiga kaalmada iyo garab istaaga Shacabka iyo Dowladda Soomaaliya.
Safiirka dalka Turkiga ee Soomaaliya Mehmet Yilmaz ayaa uga mahad celiyey guddoomiye Mursal soo dhaweynta uu u sameeyey, isaga oo sheegay in Dowladda Turkiga ay mar walba garab taagnaan doonto Soomaaliya.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa horey waxaa uu kala hadlay Arrimaha doorashada Soomaaliya Xubno badan oo ka tirsan Wakiilada Beesha Caalamka ka jooga Soomaaliya.