Xildhibanada golaha shacabka oo maanta ansixiyey laba sharci oo muhiim ah

0
70

Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka socda kulanka Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Kulanka ayaa waxaa Shir Guddoominaya Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Mahad Cabdalla Cawad.

Ajendaha kulankaasi looga hadlayey ayaa waxaa uu ahaa.

1- U Codeynta Sharciga Maareynta Maaliyadda Guud PFM
2- U Codeynta Sharciga Shirkadaha

Ugu Horeyntii Mudanayaasha Golaha Shacbka Baarlamaanka ayaa cod u qaaday Sharciga Maareynta Maaliyadda Guud PFM.

Waxaa Ogalaatay 148 Xildhibaan, Waxaana Diiday 6, waxaana ka aamustay 2 sidaas Darteed Sharciga sidaas ayuu ansax ku Noqday.

Dhanka kale Mudanayaasha Golaha Shacabka BJFS aya sidoo kale Cod u Qaaday Sharciga Shirkadaha waxa Ogalaatay 156, wax Diiday majirin, wax ka aamusay Ma Jirin Sidaas Ayuu Ansax Ku Noqday Sharciga Shirkadaha.