Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa la filayaa in uu dhawaan gaaro Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Dowlad Goboleedka Galmudug.
Shalay Gelinkii dambe waxaa dhuusamareeb tegay qaar kamid ah Ilaaladiisa gaarka ah iyo Shaqaalaha xafiiskiisa ,waxaana aad loo adkeeyey Amniga Guud ee Magaalada Dhuusamareeb oo ay ku sugan yihiin Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda iyo AMISOM.
Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa la filayaa in kulamo kala duwan uu la qaato Xubnaha Hoggaanka Ahlusunna iyo qeybaha kala duwan ee bulshada,waxaana u jeedka safarkiisa uu yahay in uu la socdo habka xulista Xildhibaannada Galmudug.
30-Bishaan oo ay ka harsan tahay muddo Saddex Cisho ah ayaa qorshuhu yahay in lagu dhawaaqo liiska Xildhibaannada Cusub ee Baarlamaanka Galmudug,waxaana warar soo baxaya ay sheegayaan in cabashada jirta aawgeed ay macquul tahay in dib loo dhigo.