Bananbax uu Horey u Iclaamiyey Maamulka Gobolka Banaadir oo Hada Ka Socda Magalada Muqdisho

0
56

Dad ka carreysan Qaraxii dadka badan ay ku dhinteen ee toddobaadkan ka dhacay Ex Koontarool Afgooye ayaa maanta isugu soo baxay Fagaaraha Dugsiga tababarka ee Janeraal Kaahiye ee magaalada Muqdisho.

Dibadbaxan oo uu iclaamiyay maamulka gobolka Banaadir ayaa waxaa ka qeybgelay boqolaal shacab ah oo laga kala keenay demooyinka gobolka Banaadir si ay u muujiyaan shucuurtooda ku aadan sida ay uga xun yihiin qaraxaas ay dadka shacabka ah ku geeiyoodeen.

Dhinaca kalana masuuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Banaadir ayaa goobjoog ka ah banaanbaxa iyaga oo jeedin doona hadalo ku aaddan weerarada Alshabaab iyo tallaaboyinka looga baahanyahay Shacabka magaalada Muqdisho in ay qaadaan.

Dadka ayaa muujinaya astaamo ay ugu baroor diiqayaan dadkii ku nafwaayay Qaraxan iyaga oo madaxa ku soo xirtay calaamado casaan ah.