Guddoomiyaha gobolka Banaadir, Cumar Finish oo qudbad ka jeediyey bananbax ka socdey dugsiga tababarka ee jeneral kaahiye ayaa ganacsatada ugu baaqay inay joojiyaan lacagaha ay siiyaan ururka Alshabaab, isagoo sheegay in lacagahaasi lagu xasuuqo ummadda Soomaaliyeed.
Guddoomiyaha ayaa ku guubaabiyay ganacsatada inaysan aqbalin baad dambe oo lagu baabi’inayo dadkooda, wuxuuna yidhi,
“Ganacatada waxaan u sheegaynaa, geerida iyo nolasha ilaaheeybaa gacanta ku haya, waxaa idiin soo jeedinayaa inaad maya dhahdaan baad lagu baabi’inayo guryihiina iyo ubadkiina
“Maanta lacagta adiga lagaa qaado waxaad ogtahay in dalkaaga lagu dhibaataynayo, soo doqonimo ma ahan?, ayuu hadalkiisa ku daray.
Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa sheegay in ay dowladdu meelahooda ugu tagayso kooxaha uu sheegay inay gumaad ku hayaan shacabka.