Madaxweynaha maamul gobolleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo shalay gaaray magaalada Gaalkacyo ayaa ka hor yimid dhismaha maamulka cusub ee Galmudug ee heerka gabagabada ah maraya.
Madaxweyne Xaaf ayaa muddo dheer ka hadal arrimaha Galmudug isaga oo mar sii horeysay sheegay in howlaha dhismaha Galmudug uu uga harray Wasaarradda Arrimaha Gudaha iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Soomaaliya, balse hadda ayuu sheegay in aanu ku qanacsaneyn sida loo maamulayo dhismaha Galmudug.