Maxaa ka Jira Wararka Sheegaya In Shekh Mukhtar Roobow uu Ka Soomay Raashinka

0
79

Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo si sharci daro ah ugu xiran dowladda federaalka Soomaaliya, ayaa la sheegayaa in muddo saddex maalmood ah uu ka sooman cuntada, sida ay sheegeen ehelladiisa iyo xuno ku dhow.

Nuunow Maxamed oo ka mid ah ehellada Sheekh Mukhtaar Roobow oo la hadlay qaar ka mid ah warbaahinta magalada muqdisho ayaa u xaqiijiyey in mudo seddex maalmood ah uu wadaadka ka sooman yahay raashinkii.

Nunow oo ka mid ah ehelada Mukhtaar oo sidoo kale la weydiiyey halka uu Roobow hadda ku xiran yahay ayaa “Ninkaas Farmaajo ayuu u afduuban yahay waxaana maqalnay inuu ku xiran yahay guri ku dhexyaala madaxtooyada”.

Dhanka kale Xubno ka tirsan Madaxtooyada Soomaaliya ayaa beeniyay in Mukhtaar Roobow cuntada ka soomay.

Si kastaba arintu ha ahaatee Sheekh Mukhtaar Roobow ayaa si sharci daro ah ugu xiran dowlada federaalka somaliya taasoo aan waafaqsaneyn dastuurka kumeel gaar ah ee somaliya.