Howlgalka Mareykanka ee Africom oo ka Hadley Duqeyn Ay Ka Fuliyeen Deegaano Ka Tirsan Gobolka Shabelaha Hoose

0
41

Qoraal ka soo baxay howlgalka Mareykanka ee Africom ayaa looga hadlay duqeyn Mareykanku ka fuliyay degaanno ku yaalla gobolka Shabeellaha Hoose.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in ciidamada Mareykanka oo kaashanaya Saaxiibadooda Soomaaliya ay duqeyn dhinaca cirka ah ay la beegsadeen xubno ka tirsan Al-Shabaab oo ku sugnaa gobolka Shabeellaha Hoose.

Duqeyntan ayuu sheegay Mareykanku in ay ku dileen Saddex xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab, isla markaana sidoo kale ay baaritaan ku sameyn doonaan hadii dad rayid ah ay wax ku noqdeen duqeyntaas.

Mareykanka ayaa sidoo kale sheegay inay sii wadi doonaan taageerada ay siiyaan Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ilaa iyo inta laga wiiqayo awooda Al-Shabaab.