Madaxweynaha Maamulka Galmudug oo Magacaabay Gudi Doorasho

0
73

Khilaaf hor leh ayaa muuqda in uu mar kale harreey-nayo qorshaha dhismaha dowlad gobolleedka Galmudug, kaddib markii madaxweyne Axmed Ducaale Geelle Xaaf uu magaalada Gaalkacyo kaga dhawaaqay guddi doorasho.

Qoraal ka soo baxay xafiiska madaxweynaha maamulka galmudug ayaa loogu magacaabay guddi doorasho oo ka kooban 11 xubnood oo kuwaa oo la sheegay in ay ka shaqeyn doonaan dhismaha Galmudug –ta cusub, waxaana guddigan marka la eego uu ka hor imanayaa guddigga ay dowladdu magacaawday ee hadda gacanta ku haya dhismaha maamulka Galmudug.