Howlgal ay Ciidamada Dowladda Soomaaliya ka sameyeen deegaano ka tirsan gobolka Baay ayaa waxaa ay Al-Shabaab kala wareegeen tuulooyin dhowr ah.
Saraakiisha hoggaamineysa howlgalkaas ayaa waxaa ay sheegeen in Ciidamada ay la wareegeen tuulooyin u dhow degmada Diinsoor ee Gobolka Baay,kuwaas oo kala ah,Tugaar Hoos iyo laba Warood.
Taliyaha Ururka 54aad ee Guutada 60-aad Gaashaanle Dhexe Xasan Aadan Yarow oo howlgalka hoggaaminayey ayaa sheegay in u jeedka howlgalka uu ahaa mid la isugu fureyey wadooyinka ay go’doomiyeen Ururka Al-Shabaab.
Waxaa uu hoosta ka xariiqay in deegaannada ay la wareegeen xabsiyada ku yaalla ay kasii daayeen dad xoolo Dhaqato ah oo u xir xirnaa Al-Shabaab sida uu hadalka u dhigey.