Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, James Swan, ayaa soo dhoweeyay sharciga cusub ee lagu maamulayo doorashooyinka Soomaaliya, oo ay dhawaan meel mariyeen goolaha shacabka Soomaaliya.
James Swan, ayaa hadalkaan sheegay intii lagu jiray kulan uu la qaadanayay Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi.
Ergayga Qaramada Midoobay ayaa ku tilmaamay sharcigan tilaabo taariikhi ah oo loo qaaday dhanka dhismaha nabadda, isagoo boorriyey in wakhtigiisa lagu meel mariyo si uu ula jaan qaado doorashada 2020.
Maalintii shalay aqalka sare ayaa guddi gaar ah u saaray kasoo talo bixinta sharciga doorashooyinka.