Dhegeyso: Dad Xaflad Aroos Duqeyn Loogu Geystey Deegaan ka Tirsan Degmada Afmadow

0
64

Deegaanka Diif oo ka tirsan degmada afmadow ee gobolka jubada hoose ayaa habeenkii xaley duqeyn ka fuliyey dhowr diyaaradood oo la sheegay in laga leeyahay dalka kenya.

Duqeyntani ayaa waxaa loo geystey dad shacab ah oo ku kulansanaa xaflad aroos ah oo halkaasi ka socotay.

Gudoomiyaha deegaanka diif axmed salaad axmed oo la adley warbaahinta ayaa xaqiiyey in ay ku dhinteen ilaa iyo 3 qofood tiro intaasi ka badana ay u dhaawacmeen.