Shacabka Demada afgooye ee gobolka shabelaha hoose oo dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay dhowr mar qeylo dhaan u dirsaday xukuumada federaalka si gacan loo siiyo dadka ay waxyeelada kasoo gaartey fatahaada webiga shabeele.
Ugu dambeyntii maalintii shaley ayaa deeq raashin oo ka timid dowlada sacuudiga la geeyey degmada afgooye taasoo loogu tala galay in la gaarsiiyo shacabka ay waxyeelada kasoo gaartey fatahaada webiga shabeele, taasoo la sheegay in aan la gaarsiin dadkii loogu tala galay.
Gudoomiyaha degmada afgooye Ibraahin Cade oo goob joog ahaa kolka uu dhacay musuqmaasuqaas ayaa warbaahinta u xaqiijiyey in dadkii loogu tala galay raashinka aan la gaarsiin, Isagoo dhanka kalana qirey in raashinka ay gurteen dad aan loogu tala galin.