Tani waa talaabo kale oo muuqa ka rogeysa isla markaana dibada usoo saareysa xaqiiqda dhabta ah ee ay ku sugan yihiin xildhibaanada magac ku yaalka ah ee kasoo jeeda degmada afgooye ee gobolka shabelaha hoose kadib kolkii maalintii shaley degmada afgooye deeq loogu tala galay dadkii ku waxyeeloobay fatahaadii ka dhacdey degmada si ugu tala gal ah hortooda loogu musuqmaasuqey.
Waxaa yaab iyo amakaag leh in xildhibaano sheeganaya in ay matalaan shacbiga ku nool degmada afgooye ee gobolka shabelaha hoose ay qeyb ka noqdaan howlo lagu musuqmaasuqaayo mucaawino loogu tala galay dadka ugu sii liita degmada afgooye in la dhoco.
Ma wexey xildhibaanadu is tuseen in ka ganacsiga dhiiga shacabka ay matalaan uu yahay xalaal? si ugu yaraan aan ugu qiil deyno iney yihiin dad gutey kaalintii loo idmadey ee ahayd in umada ay ku metelaan golaha shacabka dhibtoodana hor dhigaan golaha shacabka federaalka ee somaliya.
Hada waa isweydiine kaalinta xildhibaanada federaalka ee kasoo jeeda degmada afgooye ay ku lahaayeen badbaadinta umadooda ku jirta xiliga adag ma wexey doorbideen iney ka baqiilaan kelmad iney ku biiriyaan sidii loo joojin lahaa daca umada wakiilnimadooda ay sheeganayaan?
Waxaa ayana suaal kale ah iyadoo aynaan in badan isku qilaafsaneyn in shaqsiyaadka ku fadhiya kuraasta degmada afgooye ay u fadhiyaan baarlamaanka danahooda shaqsiga ah hadana damiirkoodii dadnimo maxaa lumiyey?.
isku soo wada duub xaalada dayacaada ah ee ka jirta degmad afgooye iyo ilowshiyaha xildhibaanadooda ay iska ilaabeen degmada iyo dadkeena ma waaney reer afgooye hordhigeynin maahmaahdii soomaaliyeed ee aheyd cidna uma maqna ceelna uma qodna.