Ciidamada Africom ee Mareykanka oo Duqeyn Ka Geystey Deegaano Ka Tirsan Gobolka Jubada Hoose

0
35

Ciidanka Soomaaliya qeybta ka howlgaha deegaanada maamulka Jubbaland, oo kaashanaya Howgalka AFRICOM ayaa saacadihii aynu soo dhaafnay duqeeyay Farisimo ay Xubno ka tirs Al-Shabaab ku leeyhiin deegaanka Caanoole oo hoostaga Badhaadhe ee gobalka Jubbada hoose.

Saraakiisha howlgalka hogagamineysay ayaa waxaa y sheegeen in deegaanka ay howlgalka ka fuliyeen ay ku shirayeen Xubno sar sare oo ka tirsan Al-Shabaab, isla markaana khasaaro ay ku gaarsiiyeen.

Dhinaca kale duqeyn tan la mid ah ayaa ciidanku ka fuliyeen xero ku taala degmada Jamaame ee gobalka Jubbada Dhexe halkaas oo saraakiisha Ciidamada Dowladda ay sheegeen inay dhalinyaro ku tababarayen Al-Shabaab.

Taliyaha Ciidanka kumaandoosta Soomaaliya qeybta Jubbaland Gaashaanle dhexe Xasan Maxamed Ciraaqi oo la hadlaya Warbaahinta Dowladda ayaa u xaqiiyay in goobaha ay duqeymuhu ka dhaceen lagu gaarsiyay Khasaaro xooggan saraakiil iyo Xubno ka tirsan Al-Shabaab.