Warar aynu ka helney magalada muqdisho ayaa sheegaya in Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo beryahan ka soonaa raashinka uu bilaabay in uu dib u cuno raashinka, oo muddo sanad ka badan si sharci daro ah ugu xiran dowladda federaalka Soomaaliya.
Abuu Mansuur ayaa la sheegay in saddex arrin ku kaliftey in uu qaato go,aanka ah in uu ka soomo raashinka waxaana wararka aan helnay ay xaqiijinayaan in saddexdii caqabad mid kamid ah la xaliyay, halka kuwa kalane aanan wali wax laga qaban.
Seddexda arin ee uu Shekh Mukhtaar ka cabanayey ayaa waxaa ay ahaayeen.
1– In la dejiyay guri Jiingad ah oo ku yaala dhabarka dambe ee Madaxtooyada kana tirsan degmada Wardhiigley ee Gobalka Banaadir, waana aag ay badanaa ay ku soo dhacaan madaafiicda loo wado Villa Somalia.
2– In wax mushaar ah la siin dhowrkii ciidamada ilaaliya Sheekh Mukhtaar dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay taasina ay caqabad ku noqon karto amnigiisa.
3- In uusan helin cadaalad muddo ka badan sanad oo uu u xiran yahay dowladda federaalka Soomaaliya.
Dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay, ayaa waxaa aad looga hadlayay Xaaladda Caafimaad ee Abuu Mansuur, iyadoo ay dadka walaac ka qabeen nolashiisa maadaama uu ka soonaa cuntada.