Gudoomiyaha Baarlamaanka oo Warqad u Direy Beesha Caalamka Isla Markana Sheegey In Doorasho Qof iyo Codkii Dhici Doonto

0
50

Warqad ka soo baxday xafiiska guddoomiyaha golaha shacabka ee baarlamaanka Sooamaliya Maxamed Mursal Sheikh Cabdiraxmaan, isla markaana loo diray wadamada taageera Soomaaliya iyo deeqa bixiyayaasha caalamiga ah, ayaa looga hadlay doorashada ka dhici doonta dalka sanadka 2021-ka iyo sharciga doorashooyinka oo ay meel mariyeen dhowaan xildhibaanada golaha shacabka.

“Sharciga ay ansixiyeen golaha shacabka wuxuu waafaqsan yahay dastuurka waxaana la filayaa in muwaadiniinta Soomaaliyeed ay si toos ah ugu doortaan xildhibaanada, waxaan sidoo kale jeclaan lahaa inaan kuu xaqiijiyo in xeerka doorashada uu noqon doono mid dhaqan gala waqtigiisa sanadka 2020/21-ka inkasta oo dhowr arrimood oo wali u baahan is waafajin siyaasadeed iyo dood dheer oo Baarlamaanku leeyahay, iyada oo looga doodi doono arrimahaasi fadhiyada golaha shacabka ee soo socda” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay xafiiska guddoomiye Mursal.

Sidoo kale qoraalka loo diray beesha caalamka ayaa lagu yiri “Degmooyinka iyo kuraasta xildhibaannada gole farsamo baarlamaaneed ayaa la sameyn doonaa mustaqbalka dhowr si loogu diyaariyo qabyo qoraal gaar ah oo ku saabsan qaababka loo adeegsan doono hagitaanka sida loo qeexi doono golaha shacabka iyo kuraasta loogu qoondeeyay goob walba”.