Ugu yaraan saddex qof ayaa ku dhintay, 6 kalena way ku dhaawacmeen kadib markii gaari lagusoo xiray waxyaabaha qarxa oo ku qarxay isgoyska sayidka ee magaalada Muqdisho.
Dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ayaa waxay ahaayeen dad shacaba oo wadada marayay iyo kuwa gaadiidkooda ku jiray oo ku sugnaa goobta wax lagu baarayay.
Isgoyska Sayidka ayaa kamid ah baraha la sugo ammaanka madaxtooyada Soomaaliya, loomana ogola in gaadiid aan baaritaan lagu sameyn oo la hubin inuu ka gudbo halkaas.
Afhayeenka gobolka Banaadir, Saalax Xasan Cumar ayaa warbaahinta u sheegay in waqtiga qaraxu dhacayay ay goobtu ahayd mid mashquul ah oo gaadiid badani ku jireen safka baaritaanka.