Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland, Siciid Cabdulaahi Deni, ayaa sheegay inay kasoo horjeedaan sharciga batroolka Soomaaliya oo dhawaan ay meel mariyeen labada aqal ee barlamaanka Soomaaliya.
Madaxweyne Deni, ayaa tilmaamay inayan ka aamusidoonin qaladaad uu tilmaamay inay dowladda federalka faraha kula jirto, sheegayna inay qoraal rasmi ah kasoo saaridoonaan arrintaas.
Deni waxa uu sheegay in khilaafka hadda taagan in uu salka ku hayo, iyadoo xukuumada federalku diidan tahay in laga wada tashado sharciyada masiiriga ah ee dalka lagu maamulayo.
Madaxweynaha Puntland ayaa sidoo kale sheegay kasoo horjeestay sharciga doorashooyinka qaran, isagoo tilmaamay in la baal maray hannaankii wadatashiga ahaa ee la doonayay in dalka lagu gaarsiiyo doorashooyin qof iyo cod ah laguna ilaaliyo midnimada guud ee Soomaaliya.