Madaxweyne Muuse Biixi ayaa maanta xafiiskiisa kulan kula yeeshay wefdi ballaaran oo uu hoggaaminayo wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee qaramada midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Ambassador James Swan.
Kulanka uu madaxweynuhu la qaatay wefdiga uu hoggaaminayo wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee qaramada midoobay u qaabilsan Soomaaliya oo ka qabsoomay xarunta qasriga madaxtooyada, ayaa diiradda lagu saaray arrimo door ah oo salka ku haya xiriirka wada-shaqayneed ee Somaliland iyo qaramada midoobay u dhexeeya.
Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah Prof. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faro-toon) oo markii kulanku soo dhammaaday saxaafadda la hadlay, ayaa shaaciyey in madaxweynuhu wakiilka qaramada midoobay u sheegay farriimo kala duwan oo la xiriira horumarka ay Somaliland ku tallaabsatay muddadii ay jirtay.
Wasiirku waxa uu sidoo kale sheegay inay ergayga u xaqiijiyeen inay Somaliland ka gudubtay dhammaanba wixii khilaaf ahaa, islamarkaana ay ka dhammaysatay wixii khilaaf ahaa ee dhexdeeda ka jirey, isaga oo madaxweynuhu u sheegay wakiillka inay Somaliland diyaar u tahay inay la garnaqsato Soomaaliya oo kala dooddo arrimaha masiiriga ah.
Dhanka kale wakiilka gaar ah ee xoghayaha guud ee qaramada midoobay Ambassador James Swan oo isaguna kulanka kaddib warbaahinta la hadlay waxa uu caddeeyey inay qaramada midoobay ka go’an tahay inay sii wadaan hawlaha shaqo iyo mashaariicda ay ka wadaan gudaha Somaliland, islamarkaana ay xukuumadda Somaliland uga mahadnaqayaan sida habsamida leh ee ay u wada shaqeeyaan.