Godobta iyo gardarada laga galayo shacabka degmada afgooye ayaan aheyn mid shada bilaabatey, horaantii isbuucan ayey eheyd kolkii la boobay raashin loogu tala galey dadka ay waxyeelada kasoo gaartey fatahada webiga shabeele taasoo ilaa iyo hada aan waxba laga qaban.
Balse waxaa taas kasii daran kolkii maalintii shaley tii hore mid ka daran ay ka dhacay degmada afgooye kadib kolkii shax uu soo dejiyey gudoomiyaha gobolka shabelaha hoose raashin loogu qeybiyey.
Shaxdas oo bananka dhigtey dadkii degmada degenaa ee dhibta soo gaartey isla markaana lagu bedeley kuwo cusub oo laga soo ururiyey deegaanada siinka dheer iyo ceelasha biyaha iyo weliba deegaanka xaawo cabdi kuwaasi oo aan waxba kasoo gaarin fatahada webiga.
Bal nala arka shaxda uu Gudoomiyaha gobolka soo dejiyey ee lagu qeybiyey raashinka loogu tala galay dadka dhibta kasoo gaartey fatahaada webiga shabeele.
Shaxdan ayaa waxaa ay cadeyneysaa in beesha Geledi marti ka noqotey degmada afgooye isla markaasna ay degmada sidey doonaan ka yeelaan kooxaha kasoo hayaamay gobolada dhexe ee somaliya iyo weliba meelaha ku dhow, ayagoo gacan saar la leh kuwo calooshood u shaqeytayaal ah oo ay ku shaqeystaan.