Madaxweynaha Dowlada Federaalka Somaliya oo Maanta Gaaray Magalada Asmara

0
40

Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Asmara ee caasimadda dalka Eritrea.

Wafdiga ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Asmara International Airport kusoo dhoweeyey madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki iyo qaar ka tirsan golahiisa wasiirada.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in madaxweynaha Soomaaliya uu Asmara ku sugnaan doono muddo laba maalmood ah, halkaasi oo labada hoggaamiye ay wada-hadallo ku yeelan doonaan.

Illaa iyo hadda si dhab ah looma oga ujeedka safarka madaxweynaha, hase yeeshee wuxuu kusoo beegmayaa xilli uu dhowaan Afwerki kasoo laabtay safar uu ku tegay dalka Imaaraadka, kadibna uu ka degay magaalada Addis Ababa, halkaasoo uu wadahadallo kula yeeshay Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed.