Xildhibaanada Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Maanta waxaa ay kulankoodii caadiga ahaa ku yeelanayaan Xarunta Golaha Aqalka ee Magaalada Muqdisho.
Ajendaha kulanka ayaa ah ka doodida Sharciga Doorashooyinka Qaranka oo dhawaan Xildhibaanada Golaha Shacabka ay meel mariyeen.
Xildhibaananada Golaha Aqalka Sare ayaa xalay lagu wargeliyay in Maanta oo Sabti ah uu jiro kulanka Baarlamaanka, isla markaana ay soo xaadiraan.
Sharciga ayaa ah sharci ay horey u meel mariyeen xildhibaanada baarlamaanka federaalka ayadoo ay doodo badan welika qabaan qaar ka mid ah maamul goboleedyada dalka ka jira.