Alshabab oo Maanta Afar Dhalinyaro ah Ku Toogtey Deegaanka Sablaale

0
277

Al-shabaab ayaa maanta goob fagaaro ah oo ka tirsan deegaanka Sablaale ee gobolka Shabeellaha Hoose ku toogtey Afarx ruux oo ay ku eedeeyeen in ay la shaqeynayeen dowladda Soomaaliya.

Raggan ay Al-shabaab toogeen ayaa magacyadooda lagu kala sheegay Ayuub Xassan Buraale oo ay sheegeen in maamul hoosaadka degmada Kuntuwaareey, Xassan Cusmaan Cali Abayle oo ay Shabaab sheegeen in uu ka tirsanaa ciidamada dowladda ee degmada Baraawe ka howlgallaan aadna looga yaqaanay degmadaas.

Xassan Faarax Maxamad ayey ku sheegeen in uu ka tirsanaa ciidamada dowladda, isla markaana ay qabteen isaga oo ku sii socda sida ay hadalka u dhiggeen degmada Buula-burte ee gobolka Hiiraan.

Qofka Afaraad oo ah Xuseen Xassan Geelle ayee ku eedeeyeen in uu ka tirsanaa ciidamada dowladda Soomaaliya, islamarkaana laga soo qabtay deegaanka Dacaaraha oo u dhaw degmada Qor-yooley ee gobolka Shabeellaha Hoose.