Wararka inaga soogaaraya magalada baydhaba ayaa sheegaya in ee meel sare uu maraayo loolanka loogu jiro gudoomiyaha degmada wanlaweyn kaasoo ay hada isku heystaan 3 musharax oo kala wataan qaar ka tirsan siyaasiyiinta deegaanka heer gobol iyo heer federaal.
Wararka aynu heleyno ayaa sheegaya in seddexda ruux ee isku heysta xilkaasi ay kala yihiin.
1- Saacid Haji Adan
2- Xaaji Bule Galboore
3- Abdi Garoore.
Sacid Haji Adan ayaa la sheegayaa in ay wataan xildhibaano ka tirsan heer federaal oo dhowr jeer kala hadley maamulka koonfur galbeed sidii shaqsigaas uu u noqon lahaa gudoomiyaha degmada walaweyn.
Dhanka kale waxaa ayana jirta loolan kale oo ay wadaan xildhibano ka tirsan heer federaal iyo heer maamul goboleed kuwaasi oo u ololeynaya sidii ay kursiga degmada ugu fariisin lahaa Xaaji Buule ama Abdi Garoor.
Si kastaba arintu ha ahaatee lolankan u dhexeeya siyaasiyiinta kasoo jeeda degmada walaweyn ayaan weli wax go,aan ah ka gaarin masuulka maamulka koonfur galbeed Cabdicasiis Lafta gareen.
Goorma ayaan arki karnaa warbixinnada ugu dambeeya.
Comments are closed.